War deg deg ah: Rag toorey ku hubaysan oo duleedka Muqdisho ku dilay nin Ganacsade ahaa

WAAJIDPRESS – 17 AUG 2016:

Rag ku hubaysan toorey ayaa la sheegay xalay inay duleedka Magaalada Muqdisho ku dileen nin ganacsade ahaa, kaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Magaalada Muqdisho.

Raggaan ayaa u dhacay guriga uu deganaa ninkaasi ganacsadaha ah waxaana la sheegay markii ay gudaha u galeen guriga xalay saacada markii ay aheyd 1:00 habeenimo inay beegsadeen qolkii uu ku jiray ninka ganacsadaha ah, kadibna saddex jeer tooreyda ay caloosha ka geliyeen.

Intaasi kadib ayaa qoyska guriga qeylo iyo buuq bilaabay, waxaana raggii Burcada ahaa la sheegay guriga inay ka qaateen wixii fudud oo ay horay gacanta ugu sii qaadan kareen.

Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Daahir Axmed Jimcaale, wuxuuna goob ganacsi oo Carwo ah ku lahaa Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Dhaawac halis ah oo ka soo gaaray tooreyda ninkaasi ganacsadaha ah lala dhacay ayaa sababtay in ugu dambeyn uu u geeriyoodo sida Warbaahinta gudaha ay u xaqiijiyeen qaar ka tirsan ehelada marxuumka la dilay.

Ilaa hada ma cadda ragga dilka geystay inay ahaayeen Burcad ujeedkooda uu ahaa inay dhacaan guriga iyo in qorshe kale uu ahaa oo lagu doonaayay in lagu khaarijiyo ganacsadahaasi.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Xeradii hore ee ciidanka Asluubta iyo Dabaqa loo yaqaan Maslax ee ka agdhaw Ex-Control Afgooye.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: