War deg deg ah: Akhriso then DAAWO: Xildhibaanada iyo Wasiirada Beelaha Waqooyi Galbeed ee ku jira Baarlamaanka Federaalka oo manta ku dhawaaqey in aysan ka qebgeli doonin Doorashada labad aqal ee 2016

WAAJIDPRESS – 17 AUG 2016:

 

S2-300x169

Xildhibaano, siyaasiyiin iyo aqoonyahano kasoo jeeda Gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya oo shir jaraid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay taageersan yihiin go’aankii isimada goboladaasi ay kaga soo horjeesteen in ay ka mid noqdaan labada aqal ee dowladda soo socota.

Ugu Horeyntii Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya lana soo shaqeeyey dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray ayaa sheegay in madasha wada tashiga qaran ay xaqirtay dhankooda isagoona sheegay in aysan ka qeyb aheyn labada aqal ee dalka ee dhawan ansixiyeen Madasha.

Xildhibaan Boqore waxa uu tilmaamay in go’aankooda ugu dambeeyo uu yahay in aysan ka qeyb qaadan doonin doorashooyinka dalka ee sanadkaani isagoona shuruud ugu dhigay ka qeyb galidda in la siiyo xuquuqaadka ay leeyihiin sida uu sheegay.

Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo dhankiisa ka hadlay goobta ayaa madasha wada tashiga qaran ku sheegay in ay u abaabulnaayeen qaab beeleed waxa uuna sheegay in aysan u cuntamid go’aamadii ay soo saareen.

Waa uu sii hadlay Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali isagoona sheegay in magaalada Muqdisho ee yimaadeen waqtigii bur-burka dalka oo ay ka ariminayeen hogaamiye kooxeedyadii sida hadalka u dhigay.

Xildhibaaanada, odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi galbeed ee dalka ayaa kasoo horjeestay in ay kamid noqdaan labada aqal ee dalka iyagoona sheegay in xubno ay lahaayeen la siiyey maamulka Puntland oo dhaca gobolada Waqooyi Bari.

Madasha wada tashiga qaran ayaanan wax war ah kasoo saarin eedeemahaani ay tirsanayaan xubnaha kasoo jeeda gobolada Waqooyi Galbeed iyadoona ay ka qeyb yihiin awood qeybsiga soomaalida ee ay mudooyinkii dambe wax ku qeyb sanayeen.

BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE ayaa sidoo kale uga soo horjeesatey ka qeybgalka Aqalka Sare, maadaama xaqoodii la duudsadey – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: