Deg Deg:- Ciidanka Nabad Sugidda oo Xiray Goor dhaw Idaacada Shabelle

WAAJIDPRESS – 18 AUG 2016:

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida una badan Digil iyo Mirifle, ayaa caawa xoog ku galay Xarunta Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, oo ku taala agagaarka Isgoyska KM4.

Ciidamada, ayaa xoog hawada kaga saaray Idaacadda Shabelle, waxaana xilligan la soo sheegayaa in hawlgal gaar ah ay ka wadaan Xarunta Idaacadaasi.

Askarta ka tirsan Nabad Suggida, ayaa waxay gaari ku kaxeystey laba ka mid ah Suxufiyiinta Shabelle, kuwaa oo kala ah Maxamed Aadan Onkod iyo Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali).

Ciidamada Nabad Suggida, ayaa waxay kaloo raadinayeen Suxufiga Maxamed Axmed Jimcaale, inkastoo uu Xarunta Idaacadda ka maqnaa xilligii ay gudaha u gelayeen.

Cabdimaalik Yuusuf ayaa sheegay in Ciidan ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ay Albaabada iskugu dhufteen Idaacada islamarkaana ay wateen Wariyaal ka tirsan Idaacadda.

Sidoo kale C/maalik ayaa sheegay in Ciidanka u yimid ay u sheegeen in War Idaacadda ka baxay lagu haysto.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa u sheegey Idaacada Shabeele  in lagu heysto warbixin been ah oo ay Idaacada Shabelle baahisey oo ku saabsan in  musuq maasuq uu ka jira Wasaaradda Maaliyadda iyo been ay ka sheegeen Wasiirka Maaliyada Dr. Fargeeti  oo ay Idaacadda Shabeele ka sii daayeen.

Milkilaha Shabelle ayaa sido kale Xusay inuu ka xun yahay in Idaacada la xiro.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: