War deg deg ah: Danjiraha Midowga Afrika oo shaaciyay in dhaqaalo la’aan ay heyso AMISOM

WAAJIDPRESS – 19 AUG 2016:

Muqdisho  — Danjiraha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa dhaqaalo xumida heystay howlgalka AMISOM, waxuu ku tilmaamay mid caqabad ku ah dib u soo celinta xasiloonida Dalka Soomaaliya.

Madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Madeira ayaa waxuu shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in la qaado talaabo wax ku ool ah maadaama uu hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in la helo dhaqaalaha AMISOM.

Waxuu ka dalbaday Saaxiibada Soomaaliya in ay qaatan kaalinta kaga aadan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda Koonfurta iyo bartamaha Dalka Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Madeira waxuu carabka ku adkeeyay in Xoogaga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Danjiraha Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa ugu dambeyn waxuu tilmaamay in Saraakiisha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay isku raaceen xoojinta Dagaalka haatan lagula jiro Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan Gobolada qaar ee Dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: