War deg deg ah: Shabaab oo xalay madaafiic iyo dagaal toos ah ku qaaday ciidamada Amisom ee Ceelasha Biyaha degan

WAAJIDPRESS – 20 AUG 2016:

Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhiga ciidamada Midowga Afrika Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow oo ka tirsan Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Madaafiicda kadib ayaa ciidamo Shabaabka ka tirsan waxa ay weerar toos ah ku qaadeen Xerada ciidanka Amisom, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal labada dhinac si toos ah u dhexmaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay dareemeen xalay cabsi xoogan kadib markii dagaalyahanada Shabaabka Xaafado ka mid ah Ceelasha Biyaha ay soo dhexmareen markii dagaalka uu soo dhamaaday.
Daahir Cumar Jimcaale oo ka mid ah Odayaasha ku nool Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay xalay oo dhan inay hurdi waayeen, kadib markii dagaalka uu si aad ah ay u maqlayeen.

“ Saacadda weerarku uu bilowday waxa ay ahayd 1:00 Am oo 25 dhiman , Madaafiic iyo hub cul culus ayaanu maqleynay , dadka shacabka ah waa ku hurdi waayeen waxa la is weydaarsanayay.” ayuu yiri Daahir Cumar Jimcaale oo ka mid ah waxgaradka Deegaanka Ceelasha Biyaha ee xalay ay wax ka dhaceen.

Deegaanka Arbacow waxaa Saldhig ciidan ku leh ciidamada Burundi oo ka tirsan howlgalka Amisom, waxayna todobaad waliba dhamaadkiisa la kulmaan weerarada noocaan oo kale ah oo Shabaab kaga yimaada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: