War deg deg ah: Labo Qarax oo Waaweyn oo hadda ka dhacay Degmada Galkacayo ee gobolka Mudug

WAAJIDPRESS – 21 AUG 2016:

image image image image

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi ay ka dhaceen labo qarax oo aad u xoogan.

Qaraxan 1-aad oo ah mid Haweeney Ismidaamin ah ay wadatey   gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa Waxa ay isku qarxisey  Suuqa Dayax ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca PUNTLAND , Suuqa Dayax waxaa ku taala Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo Maamulka Puntland.

Qaraxa labaad  oo ahaa isna ahaa Gaari kale oo laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa ayaa wuxuu isna  ku qarxay  isla goobta oo ah  Afaafka Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo, kadib markii dad badan ay isugu soo yaaceen halkaasi, kuwaasi oo eegayay qaraxa koowaad ee dhacay.

Labadan Qarax ayaa waxaa KU dhintey  ku dhintey Madaxii Dowlada Hoose ee GALKACAYO ee Maamulka PUNTLAND  oo la yiraah Ina-Dhuubane iyo KU-xigeenkiisa iyo 20 qof oo u badan shacab , tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen.

Khasaare xoogan ayaa ka dhashay Qaraxaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay sida goobjoogayaal ay noo xaqiijiyeen.

Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la geeyay Dad fara badan oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray qaraxa xoogan ee ka dhacay Suuqa Dayax ee Magaaladaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: