War deg deg ah: MADAAFIIC KU DHACDAY XARUNTA WASAARADDA GAADIIDKA, CIRKA IYO DHULKA EE MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 21 AUG 2016:

Dhowr madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka oo ku taal degmada Shingaani, iyadoo madaafiicdan ay sababeen khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay shan qof oo afar kamid ah ay ahaayeen dad shacab ah ayaa ku dhaawacantay madaafiicdan ku dhacday qeybo kamid ah Degmada Shangaani, waxaa sidoo kale madaafiicdasai sababeen in ay gubtaan gaadiid.

Tiro kamid ah Madaafiicdaasi ayaa noola xaqiijiyay in ay ku dhaceen gudaha dhismaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka oo kutaala Degmada Shangaani, waxaana madaafiicdaasi ku dhacday Wasaarada sababeen in labo garai ku gubtaan sidoo kale askari uu ku dhaawacno.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in garaash ku dhegan Wasaaradda Gaadiidka oo baabuuro taalay ay ku dhaceen ilaa labo hoobiye, kadibna uu dab qabsaday.

Dhinaca kale, waxaa isla maanta ka dhacay MUQDISHO; Qarax Bam ayaa Goor dhaw lagu Tuuray Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho,waxaana Qaraxa uu Sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dad ku sugnaa Goob Shaaha lagu gado.
Goobjooge ku sugnaa Isgoyska Fagax ayaa Radio Kulmiye u sheegay in ugu yaraan 9 Qof oo Shacab u badan ay ku dhaawacmeen islamarkaana Tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Dadkii Bam Gacmeedka ku dhaawacmay ayaa la sheegay Labo ka mid ah ay ku Geeriyoodeen Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: