Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya xarunta Golaha Shacabka

WAAJIDPRESS – 22 AUG 2016:

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo waqtigooda uu yahay mid gabaabsi ah, ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku yeelan doonaan xarunta Golaha Shacabka ee maagalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo dhowr ah oo horyaala Baarlamaanka oo ay ka mid yihiin su’aalo ay xildhibaanada Baarlamaanka weydiinayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii wuxuu ka sheegay in Isniintan maanta ah xildhibaanada fursad loo siin doono in ay su’aalo weydiiyaan Gudoonka Baarlamaanka.
20-kii Bishan ayuu ku ekaa Baarlamaankan marka sida sharciga ah loo eego balse Gudoomiye jawaari ayaa sheegay in Baarlamankan uu sii shaqeyn doono ilaa Baarlamaanka cusub laga soo doorto.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: