DEG DEG:- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Caawa Bambo gacmeed lagu weeraray

WAAJIDPRESS- 23 AUG 2016:

Wararka inaga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayan in caawa Bambo gacmeed lagu weeraray Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Maxamed Cali Guri uu ka degan yahay degmada Xamar Weyne.

Ilaalada Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga ayaa iska caabin ku sameeyay kooxihii Bambo gacmeedka soo tuuray, waxaana ay ku rideen Rasaas fara badan.

Bambo gacmeedka lagu weeraray Guriga Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali ayaa waxaa ku dhaawacantay 2 Askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Xaalada goobtii Bambo gacmeedka lagu tuuray ayaa waxaa soo gaaray Maamulka degmada Xamar Weyne iyo ciidanka amaanka waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka caawa lagu qaaday Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: