Iska horimaad Ciidamada Dowladda iyo Shabaab ku dhex maray Isgoyska Bakaaraha

WAAJIDPRESS – 24 AUG 2016:

Iska horimaad, ayaa goor dhow ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, ka dib markii niman hubeysan oo Shabaabka ka tirsan ay soo weerareen Ciidamada Dowladda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen lix nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

“Lix nin oo UGUS ka tirsan, ayaa soo weerartay laba askari, oo middi uu yahay Minishiibiyada, halka midka kalana uu ka tirsan yahay Ciidamada Immigration-ka. Askarigan wuu dhintay, midka kale ee Minishiibiyada ka tirsana waa dhaawac.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka, ayaa yiri “Lixdii nin oo is leh waa disheen askarta ee hubka ka qaata, ayaa askarigii Minishiibiyada ahaa oo bistoolad watay inta uu la soo baxay madaxa kaga dhuftay mid ka mid ah UGUS, waana dhintay. Shantii nin ee kalana way carareen.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: