Kooxo hubaysan oo Sarkaal ku dilay Muqdisho

WAAJIDPRESS – 24 AUG 2016:

Kooxo hubaysan ayaa saaka waxa ay Degmada Dharkiinley ku dileen, Sarkaal sida la sheegay ka tirsanaan jiray Wasaarada Gaashaandhiga Somaliya.

Dilka Sarkaalkaan ayaa ka dhacay Xaafada Mac-macaanka ee Degmada Dharkiinley, xilli sarkaalkaan oo ka soo baxay gurigiisa kuna soo jeeda Magaalada ay toogteen Kooxaha hubaysan.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaxye Xaaji Cali Aadan, wuxuuna horay uga tirsanaa Wasaarada Gaashaandhiga, xilligii Dowladii Sheekh Shariif sida dadka xaafada ay sheegeen.
Raggii hubaysnaa ee dilka Sarkaalkaasi ka dambeeyay, ayaa goobta ka baxsaday waxayna ahaayeen labo ruux oo dhalinyaro ah hubaysan.

Dilka kadib waxaa goobta tagay ciidamada Saldhig Galbeed ku sugan ee Booliska, halkaasi oo baaritaan ay iminka ka wadaan.

Degmada Dharkiinley ayaa ah Degmada ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee Muqdisho ka dhaca, waxaa horay loogu dilay Degmadaasi, Saraakiil Ciidan, Dad u shaqeeya Dowladda, Haween iyo Xubno kale oo Bulshada dhexdeeda qiimo ku leh.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku fashilan suggida ammaanka Degmooyinka Muqdisho oo Al Shabaab dilalka qorsheysan ay ka geystaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: