War deg deg ah: Weerar ismidaamin ah oo hadda lagu qaadey Dhismaha Banadir Beach oo ku yaala Xeebta Liido…..

WAAJIDPRESS – 25 AUG 2016:

image

Weerar Qarax ku Biloowday ayaa Goor dhow  lagu qaaday Mid ka mid ah Hoteelada ku yaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo Adeegsaday Gaari,kaas oo ku Qarxay inta u dhaxeysa Kawaanka Malaayga Ee Xeebta Liido iyo Hotel  la yiraado Kokaneyd oo halkaa ku yaala.

Xoogag hubeysan, ayaa gudaha u galay Dhismaha Banadir Beach oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, waxaana uu weerarku ku bilowday qarax xoogan.

Wararka waxay intaa ku darayan in dabley hubeysan ay la wareegtay Dhismaha Banadir Beach, iyadoo Ciidamada Dowladda Somaliya ay la dagaalamayaan dableydaasi.

Goobjooge, ayaa sheegay in dableydu ay Banadir Beach gashay iyagoo dhawr jiho rasaas xoogan u ridaaya.

Ciidan fara-badan, ayaa waxaa loo daabulay dhinaca Xeebta Liido, iyadoo Ciidamada Booliska ay xireen wadooyinka soo gala goobtii uu qaraxu ka dhacay.

Iska horimaad u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Somaliya iyo xoogagii weeraray maqaaxida Banadir Beach, ayaa waxaa uu xilligan ka soconayaa xeendaabka maqaaxidaasi. Maqaaxida la weeraray waxay ku taallaa Xeebta Liido ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dabley ay tiradoodu u dhaxeyso saddex illaa shan nin, ayaa gudaha ugu sugan maqaaxida, taasoo ay qabsadeen, wax yar uun ka dib, markii qarax gaari uu ka dhacay nawaaxiga maqaaxidaasi.

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay sheegteen masuuliyadda weerarkii hubeysnaa ee caawa lagu galay maqaaxida Banadir Beach, oo ku taala Xeebta Liido ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka mintidiinta, ayaa baahisay in weerarku uu ku bilowday ismiidaamin uu fuliyay mid ka mid ah dagaal-yahanada Al Qaacidada Somaliya, ka dibna uu xigay weerar toos ah oo lagu galay maqaaxida Banadir Beach.

Barta Idaacadda Andalus, ayaa lagu qoray “Weerarka waxaa lagu daah furay camaliyad istish-haadi ah, kad ibna ciidamo hubeysan ayaa gudaha u galay goob ay ku caweeyeen askar iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: