Maamulihii Somali Germany Hospital oo ka mid noqday dadkii xalay ku naf waayey weerarkii Liido

WAAJIDPRESS – 26 AUG 2016:

Maamulihii isbitaalka Somali Germany Hospital ee magaalada Muqdisho ILAAHAY ha u naxariistee Dr. Ibraahim Cali Xasan ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii xalay ka dhacay baarka Banaadir Beach ee ku yaalla xeebta Liido.
Meydka Dr. Ibraahim Cali Xasan ayaa saaka waaberigii laga helay gudaha baarka Banaadir beach oo xalay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku galeen weerar isugu jiray isqarxin iyo mid toos ah.
Wuxuu dhowaan ku soo laabtay Muqdisho oo muddo badan uu ka maqnaa, isagoo ka hirgaliyay xarunta Caafimaadka Somali Germany Hospital oo laga furay degmada Boondheere.
Horey ayuu marxuum Dr. Ibraahim Cali Xasan ugu lahaa wadanka Jarmalka xarunta Danyar Daryeel Service, waxaana geeridiisa ka naxay dad fara badan oo garanayey.
Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhintay weerarkii xalay lagu qaaday maqaayada Banaadir Beach oo masuuliyadiisa ay sheegatay Al-Shabaab, waxaana dadka dhintay ay isugu jiraan, shacab u badnaa shaqaalaha baarka, ciidanka amaanka iyo dableyda weerarka soo qaaday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: