Galmudug oo Puntland ku eedeysay in ciidamo badan ay soo dhoobeen Gaalkacyo

WAAJIDPRESS – 28 AUG 2016:

Maamulka Galmudug ayaa eedeyn waxa ay u jeediyeen Maamulka la jaarka ah ee Puntland, waxaana ay ku eedeeyeen ciidamo badan inay soo dhoobeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xuduudaha labada Maamul Gaalkacyo ay ka wadagaan.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Maamulka Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay ciidamadaasi la keenay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo inay caqabad ku yihiin ammaanka Magaalada.

Wuxuu sheegay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamadaasi inay tahay arin keeni karta in Bulshada iska hor yimaadaan, waxaana Galmudug ay ka digtay Dhibaatooyin ka dhasha arintaasi.

“Laakiin dhinacooda dhaq-dhaqaaq shacabkii iyo Magaaladii oo isu socodkii yaraaday iyo ciidamo ay keeneen dhanka xuduudaha, dhaq dhaqaaqyada dhankooda ayeey ka jiraan, anaga dhankeena wax dhaq dhaqaaq ah ma jiraan, dee Galmudug marka hore Nabad ayeey ku baaqeysaa, nabad ayaanu jecelnahay, hadii Galmudug la soo weerarana Gacmaha laaban mayso.”Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudah Galmudug.

Galmudug waxa kale oo ay sheegtay inay Diyaar u tahay Nabad, islamarkaana ay doonayso Bulshada Gaalkacyo inay nabad ku wada noolaadaa.

“Waxaan u dareemaynaa arintaasi nabadii iyo xasiloonadii ka jirtay deeganadaasi inay caqabad ku tahay dhaq dhaqaaqyadaasi, anaga wax baqdin ah ma dareemayno anaga mar kasta waxaan jecelnahay Nabadda, wanaaga Somalinimada iyo horumarka, hadii dagaal uu yimaadana Somalida hada waa istaqaanaa dad isku cusub oo isbaraanayo ma nihin.”

Tan iyo markii Maamulka Puntland ay soo saareen amaro mamnuucaya gaadiidka ka yimaada Koonfurta Somaliya inaysan u gudbi karin deeganada Maamulka Puntland ayaa arintaasi waxa ay dhalisay xasaasiyad ku aadan in xiisado ay ka dhashaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: