SAWIRO then Akhriso: MADAXWEYNAHA KGS OO XARIGA KA JARAY MADAXTOOYADA DEKADA IYO GAROONKA BARAAWE

WAAJIDPRESS – 28 AUG 2016:

image image image image image

 

image

image image image image image image image image image image image image

 

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Iyo qaar KA mid ah Malaaqyada DIGIL IYO MIRIFLE,  ayaa maanta si rasmi ah xarigga ka jaray xarunta Madaxtooyada,Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaasi.

Guddoomiyaha Baraawe Xuseen Max’ed Barre,ayaa u sheegay Warbaahinta, in Madaxweyne SHARIIF Xassan uu gaaray maanta magaalada Baraawe,xariggana ka jaray Xarumaha Madaxtooyada,Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Magaalada Baraawe.

Magaalada Baraawe,waa xarunta rasmiga ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,waxaana uu maamulka ku howllanaa sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa xarumaha magaaladaasi,taas oo qaadatay muddo .

Madaxweynaha markii uu xariga ka jaraayay Madaxtooyada Magaalada Baraawe, wuxuu halkaasi ka sheegay in shaqada Maamulka ay dib uga bilaabanayso Magaalada Baraawe oo Wasiiro ka tirsan Maamulka ay soo degi doonaan si howsha u sii socoto.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baraawe.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale la sheegay ujeedka uu u tagay Magaalada Baraawe inay tahay dib u dayactir lagu sameynaayo Dekada Magaaladaasi iyo Garoonka.

Xubno Cadaan ah oo aqoon u leh dhismaha Dekadaha iyo Garoomada ayaa la sheegay inay la socdaan Madaxweynaha si ay u qiimeeyaan dhismaha Dekada iyo Garoonka Baraawe.
Magaalada Baraawe ayaa ah caasimada Koonfur Galbeed, hayeeshe Maamulka ayaa iminka wuxuu ku shaqeeyaa Magaalada Baydhabo oo KMG u ah – FILO video.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: