AKHRISO: Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo u hiiliyey Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanadiisa (Faarax Cabdulqaadir) iyo Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada oo arintaasi qoraal iyo eedeyn ka soo saarey

WAAJIDPRESS – 29 AUG 2016:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa magacaabay oday dhaqameed cusub (oo ka soo jeeda beesha SHEEKHAAL – REER AW-XASSAN), isla markaana si rasmi ah loogu soo daray liiska Oday dhaqameedyada 135 ahaa.

Warqad uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kuna socota Guddoomiyaha Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban ee Qaranka ayaa lagu soo magacaabay Nabadoon Maxamed Axmed Xuseen (Shukri) in uu guddoomiye u noqdo guddiga dhaqanka ee beesha Reer-Aw-Xasan ee gobolada Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

Nabadoon Maxamed Axmed Xuseen (Shukri) ayaa sida ku xusan warqadda wuxuu madax ka noqondoona howlaha la xiriira soo xuladda kursiga beesha Reer Aw-Xasan ee gobolada Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

Tirada odayaasha dhaqanka ee soo xulidoona Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markaa noqonaya 136.

Suldaan Maxamed Cabdi Cumar ayaa horay ugu magacownaa beesha Reer Aw-Xasan xulitaanka Beesha, laakin waxaa soo if-baxay in uu jiro cabasho la xiriirta beesha dhexdeeda, taas oo dhalisay in xubin cusub lagu daro odayaasha dhaqanka.

Dhinaca kale, Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay fara gelin ay sheegeen in Madaxda dowladda ku hayaan Liiska saxda ah ee Odayaasha dhaqanka 135 oday ee soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka – Akhriso marka hore warqada uu Ku magacaabey Gudoomye Jawaari Odey dhaqameedka cusub  Then Warsaxaafadeedkooda xisbiyada mucaaradka oo ka kooban labo bog:

image

 

xisbiga xisbiga1

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: