War deg deg ah: Puntland oo gacanta ku dhigtay gaadiid ciidan oo Galmudug uga soo degay Boosaaso

WAAJIDPRESS – 28 AUG 2016:

Agosto 28 (Boosaaso)— Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen gaadiid ciidan oo maamulka Galmudug uga soo degay Dekeda Boosaaso.

Sida ay sheegayaan wararka gaadiidkan ayaa ah kuwa loo yaqaano cabdi-bilaha ee lagu rakibo qoryaha iyo gaari kuwa aan xabada karin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in gaadiidkaas ay u soo socdeen deegaanada Galmudug, balse ay ka war heleen in lagu qabtay magaalada Garowe.

Warar ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya inuu socdo wada hadalo u socda Galmudug iyo Puntland oo ku aadan sidii gaadiidkaas loo fasixi lahaa.

Puntland ayaa wali ka hadal arrintan, iyadoo mas’uuliyiinta Galmudug ay iyana ka gaabsadeen in wax war ah siiyaan Warbaahinta.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Galmudug ay sheegtay inay qabatay dhar milateri u socday Al-Shabaab, kaasoo laga soo dejiyay Dekeda Boosaaso

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: