War deg deg ah: Hotel SYL oo weerar iyo Qarax lagu qaadey…

WAAJIDPRESS – 30 AUG 2016:

image image image

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Qarax culus ayaa goor dhaweyd lagu weeraray Hotelka SYL oo ka soo horjeeda Madaxtooyada Somaliya, halkaasi oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay.

Weerarkan, ayaa waxaa loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay UD, kaasoo ay walxaha qarxa ka soo buuxiyeen mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Ninkii la socday gaarigan, ayaa xoog kaga soo gudbay Check Point ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Somaliya, iyadoo inta aanu ku qarxin ilinka hore ee SYL Hotel, la maqlaayay rasaas ay ku soo eryanayeen Ciidamada Dowladda.

Xilligii uu weerarku dhacaayay, ayaa waxaa Hotelka ka socday barnaamij uu soo qaban qaabiyay Telefishinka Qaranka. Martidii barnaamijka ka qaybgaleysay, ayaa qaaarkood ku dhaawacantay weerarkaasi.

25 qof ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay qaraxaasi, iyadoo 40 kalana ay ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira dumar iyo dhalinyaraba.

Dad ay ku jiraan Wasiiro, Xildhibaano, La taliye-yaal, Saraakiil ciidan iyo Suxufiyiinba iyo shacab ayaa ku waxyeeloobeen weerarkaasi, oo Shabaabku ay u adeegsadeen gaari nooca xamuulka oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray Dhismaha Hotelka SYL iyo sidoo kale Guryaha halkaasi ka agdhowaa.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaasi waxa ayna cadeeyen in halkaas in halkaasi ay ku dileen mas’uuliyiin farabadan.

HOOS KA AKHRISO LIISKA WASIIRADA & XILDHIBAANADA DHAAWACMAY:

1-Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo la sheegay inuu ka dhaawacmay Madaxa iyo Garabka.

2-Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isna uu soo gaaray dhaawac fudud oo ka dhashay Qaraxa.

3-Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Nuur Faarax Xirsi oo isna uu soo gaaray dhaawac fudud oo u badan qeybaha sare ee jirkiisa.

4-Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xaga oo xilliga qaraxa hotelka ku sugnaa.

5-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhaawac fudud uu soo gaaray.

6-Xildhibaanad Caasho Koos oo uu dhaawac kasoo gaaray oogada sare iyo gacmaha.

7-Xildhibaan Food oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

8-Xildhibaan Saciid oo dhaawaca uu kasoo gaaray Madaxa

9-Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed waxaa soo gaaray dhaawac fudud

10-Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia oo isna uu soo gaaray dhaawac fudud.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA WERIYAYAASHA KA DHAAWACMAY WARBAAHINTA DFS

1-Agaasimaha SNTV C/naasir Xuseen

2-Weriye C/fitaax Daahir Jayte

3-Weriye Maxamed Xassan National

4-Camero man la dhashay Liibaan Cali Nuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Ilinka Madaxtooyada Qaranka iyo Hotel SYL.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxii maanta, waxaana inta ku dhaawacantay ay Alle uga baryeen in uu bogsiiyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: