Akhriso then DAAWO: Mareykanka oo liiska argagixisada ku daray Cabdulqaadir Muumin

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2016:

Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo callaamadeeyey, ee amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay 13224, kaasi oo cunaqabateyn kusoo roga shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyey inay halis ku yihiin Mareykanka.

Cabdulqaadir Muumin, ayaa madax ka ah koox ku xiran Daacish oo Soomaaliya ka jirta.

Cabdulqaadir Muumin oo horey shaqsiyaadka argagixisada ugu qori jiray islamarkaana u ahaa afhayeenka Al-Shabaab, ayaa isaga iyo 20 dagaalyahan oo kale waxay bishii October ee 2015 ku biireen Daacish, ayaga oo saldhig ka sameystay meelo ka mid ah Puntland.

Wixii markaa ka dambeeyey, ayaa sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka, Cabdulqaadir Muumin waxa uu ballaariyey unugiisa argagixiso isaga oo afduubay wiilal da’yar oo 10 illaa 15 sano jiro ah, kuna qasbay inay ciidamo noqdaan.

Go’aanka cusub ee Mareykanka ka soo baxay, ayaa waxa uu farayaa dhammaan shaqsiyaadka iyo hay’adaha Mareykanka inaysan wax xiriir ah la sameyn karin Cabdulqaadir Muumin – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: