War deg deg ah: Gaadiid ay wateen ciidamada Puntland oo qarax lagu weeraray & ganacsade lagu toogtay Gaalkacyo

WAAJIDPRESS – 1 SEPT 2016:

Kolonyo Gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa lagu qarxiyey maanta duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada lagu aasay uu ka dhacay degaankaa Bali-qadar oo ku dhow magaalada Boosaaso.

Mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidamada Puntland ayaa la sheegay inuu la kacay qaraxan miino oo aad u cuslaa sida dadka degaanku ku waramayaan.

Dhowr askari oo ka tirsan ciidamadii Puntland ayaa la soo sheegayaa iney noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay, waxaana burbur xoogan uu soo gaaray gaarigii ay wateen, iyadoo qaraxa ka dib howlgalo xoogan ay halkaas ka sameeyeen ciidanka Puntland.

Dhinaca kale, Nin Ganacsade ah ayaa lagu dilay suuqa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka dib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen.

Ganacsade C/llaahi Cismaan Axmed ayaa markiiba u dhintay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray rasaastii ay ku fureen kooxaha hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Dilka Ganacsadahan ayaa ku soo aadaya xili iska horimaad kooban oo khasaare geystay uu maanta magaaladaas ku dhexmaray ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland isla markaana Puntland ay dhaqan gelisay go’aan lagu xanibayo gaadiidka ka yimaada koonfurta Somalia, iyadoo xiisad wejiyo kala gedisan leh ay ka jirtay beryahanba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: