Marwada 1-aad Dalka oo casho u sameysay qoyska General Samatar

WAAJIDPRESS – 2 SEPTEMBER 2016:

Marwada 1-aad Dalka, Qamar Cali Cumar, ayaa kulan casho ah u sameysay qoyskii uu ka baxay General Maxamed Cali Samatar (ALLAHA U NAXARIISTO), oo 20-kii bishii hore ee August ku geeriyooday wadanka Mareykanka.

Marwada 1-aad Dalka, ayaa markale kaga tacsiyadeysay geeridii naxdinta ee ku timid Madaxweyne Ku Xigeenkii hore Somaliya ahaana Wasiirkii Gaashaandhiga.

General Samatar, ayaa 25-kii August aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho. Aaskiisa oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Qaranka, Maamul Goboleedyada qaarkood, qoyskiisa iyo xubno kale.

Qoyska General Maxamed Cali Samatar, ayaa Marwada 1-aad iyo Madaxda Qarankaba kaga mahadceliyay abaabulka iyo doorkii muuqday ee Madaxtooyadu ku laheyd aaskiisa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: