Madaxweyne Xassan wakhtigiisa Wuxuu ku eg yahay bishan Sep – 9 – 2016

WAAJIDPRESS – 3  SEPTEMBER 2016:

Iyadoo shirkii Madasha Wadatashiga ee ugu dambeeyey lagu go’aamiyey in 2 bilood dib loo dhigo doorashooyinka Barlamaaniga iyo madaxtinimada Somalia ayaa waxaa meesha ka soo baxday su’aal ah: Yaa Madaxweyne dalka ka noqonaayo kadib 9-ka September oo ay ku egtahay mudada xilka madaxweyne Xasan Sheekh?

Sida ku cad qodobka 91-aad ee Dastuurka dalka Somalia, marka uu xilka ka dhamaado madaxweynaha isla markaasina weli aan la dooranin madaxweyne cusub waxaa madaxweyne KMG ah noqonaayo gudoomiyaha Baarlamaanka. Maalmaha soo socdo waxaa uu waqtiga ka dhamaanayaa madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamed oo ay u buuxsameyso 4 sano, Maalinta 9-ka bisha September 2016-ka waa maalinta ugu dambeyso ee Xasan Sheekh uu Soomaaliya madaxweyne u sii ahaanayo.

Sida uu qabo Sharciga dalka Soomaaliya, waxaa madaxweyne KMG ah dalka ka noqonaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inta laga soo dooranayo madaxweyne cusub dhamaadka bisha December ee sanadkaan 2016-ka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan sharciyeeyey in Cumriga Baarlamaanka uu sii jiri doono inta laga dooranayo Baarlamaanka cusub ee bedeli doono iyadoo ay xusid mudan tahay in Baarlamaanka xiligan jiro la dhisay bishii August ee sanadka 2012-ka.
Murashaxiinta u tartamaayo qabashada xilka Madaxweynaha Somalia ayaa intooda badan taageersan in Prof. Jawaari uu noqdo madaxweyne KMG ah oo buuxinaayo booska Madaxweyne Xasan Sheekh marka la gaaro 9-ka September 2016-ka.

Dhanka kale, waxaa jiro dadaallo uu wado madaxweyne Xasan Sheekh si uu Maxkamadda Sare uga dhameysto inay u sharciyeyso Waqti kordhin si meesha looga saaro inuu kursiga yimaado Madaxweyne KMG ah oo Professor Jawaari noqon lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmahaan garaacaayo Albaab walbo oo u suurta gelinaayo inuu helo waqti kordhin labada bil ee ka hareyso doorashada kadib 9-ka September oo uu xilkiisa ku egyahay. Waxaa la sugayaa sida ay uga falceliyaan Xildhibaanada Soomaaliya ee iyaga dadka wakiil uga ah dowladda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: