Banaanbax IGAD iyo Dowladda Somaliya looga soo horjeedo oo Baledweyne ka socda

WAAJIDPRESS – 4 SEPTEMBER 2016:

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo Banaanbax looga soo horjeedo Dowladda Federalka Somaliya iyo IGAD.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dadka ku nool Magaalada Baledweyne kuwaasi oo muujinaya dareenkooda ku aadan sida ay kaga soo horjeedaan qorshaha Dowladda iyo IGAD ay wadaan ee ku aadan Shirka Jowhar.

Boqolaal dad ah oo isugu jira dhalinyaro, haween, Odayaal iyo Siyaasiyiin ayaa Banaanbaxa ku dhigaya Magaalada Baledweyne, waxa ayna sheegayaan inay ka soo horjeedaan qorshaha IGAD iyo Dowladda ay wadaan.

Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa kol hore sheegay inaysan ka qaybgaleyn Shirka gogoshiisa ay taalo Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Sidoo kale Banaanbaxan ayaa lagu taageerayaa go’aankii ay qaateen Odayaasha Dhaqanka ee ku aadan inaysan ka qaybgaleyn Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe uu dib kaga biloowdo Magaalada Jowhar sida Masuuliyiinta Maamulka ay sheegeen.

Laakiin Shirka Jowhar ayaa caqabad weyn waxaa ku ah diidmada Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan ee ku aadan ka qaybgalka Shirkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: