DEG DEG: Qarax gaari oo goor dhaw ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

WAAJIDPRESS – 5 SEPTEMBER 2016:

gaari ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana gaarigaan uu ahaa mid yaalay wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Saldhiga Degmada Waaberi, gaar ahaan ka soo horjeedka Hotelka Wardheere oo aanan sidaasi kaga fogeyn Saldhiga Degmada Waaberi.

Gaariga halkaasi ku qarxay ayaa la sheegay noociisa inuu yahay gaari SURF ah oo aanan la garaneyn cida iska leh iyo bartilmaameedka laga lahaa.

Ugu yaraan saddex qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacantay qarax duhurnimadii maanta ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan, ayaa waxaa uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed, ka dib markii qarax miino loogu soo xiray gaarigiisa.

Qaraxan, ayaa burburiyay gaarigaasi, xilli uu wadada dhinaceeda yaalay, inkastoo meel aan sidaasi uga fogayn uu ku sugnaa ganacsadaha iska leh, oo lagu magacaabo Xuseen Jaamici.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay saddexda qof ee ku dhaawacantay qaraxaasi, in uu ku jiro Xuseen Jaamici.

Qaraxan oo ahaa mid laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Xarunta Somaliya, ayaa burburiyay gaarigii Xuseen Jaamici.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: