War deg deg ah: Madaafiic lagu qaraacey Xaafado u dhow Madaxtooyada iyo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta madaxtooyada Muqdisho ka furmay – Sawiro

WAAJIDPRESS – 6 SEPT 2016:

image

 

fur1    fur3

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa saaka oo Talaado ah wuxuu ka furmay Magaalada Muqdisho, waxaana uu yahay Shirkaan kii ugu dambeeyay ee ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlad Goboledyada dalka ka jira iyo Madaxda Dowladda Somaliya.

Shirkaan oo ka furmay Madaxtooyada Somaliya ayaa looga hadli doonaa waxyaabaha ka harsan arimaha Doorashooyinka iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa muranada ka taagan Aqalka Sare dhismihiisa iyo Qaybsigiisa maadaama ay maamulada Koonfur Galbeed iyo GALMUDUG tabanayaan in cadaalo daro lagu saleeyey.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Shirkaan looga hadlo arimaha ku aadan Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin, iyadoo dalabaad kala duwan oo arintaasi ku saabsan loo jeedinaayay.

Shirkaan oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aano ku aadan waxyaabaha Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ay isal gartaan.

Madaxda Dowlad Goboledyada dalka ka jira ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan Shirka goor dhaweyd ka furmay Madaxtooyada Somaliya.

Doorashada Somaliya ayaa waxaa ka harsan muddo kooban, welina Madaxda Somalida uma aysan hogaansamin ku dhaqanka Jadwalka rasmiga ah ee doorashada u degsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa labaduba waxa ay yihiin Musharaxiin u taagan inay u tartamaan Hogaanka dalka.

Dhinaca kale isla maanta, Waxaa Duhurnimadii maanta tiro madaafiic ah oo qasaaro kala duwan uu kasoo gaaray dad shacab ah lagu garaacay xaafado kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw Xarunta Villa Soomaaliya .

 Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday madaafiicdan 7-qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kadib markii Guryahooda oo kuyaala Degmada Wardhiigley ay kusoo dhaceen madaafiicdan.

Maamulka Degmada Wardhiigley ayaa noo xaqiijiyay madaafiicdan qasaaraha geesatay ee maanta kusoo dhacday Xaafada 15-ka May iyo xaafado kale oo katirsan Degmadaasi kuna dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: