DAAWO: Yuusuf Dabageed oo maanta ka soo horjeestay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe

WAAJIDPRESS – 7 SEPT 2016:

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo shirka laga furayo magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Mr Dabageed ayaa hadalkan sheegay, kadib markii uu maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyn, isagoo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Yuusuf Dabageed ayaa ku macneeyay sababta uu ugaga soo horjeedo inay tahay in aan wax wadatashi ah lagala sameyn qorshaha la doonayo in dib loogu bilaabo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baledweyne, ayaa sheegay in dhismaha Maamulka Labada Gobol lagu wareejiyay Urur Goboleedka Igad, isla-markaana aanay jirin wax wada-tashi ah oo arrintaasi lagala yeeshay, marka laga soo taggo in Warbaahinta uun, uu ka maqlay.

Gudoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa yiri “Hadda Igad ayaa lagu wareejiyaa la yiri, maqal ayay igu tahay, saad adinka idaacadaha uga maqasheen, Xamar-na waan joogay, Gudoomiyihii Gobolka Hiiraana waan ahay, Dowladda Somaliyeed-na igama tala-gelin, Igad-na igama tala-gelin.”

Gudoomiyaha, ayaa ka dhawaajiyay in aanu isagu iyo dadkiisuba u socon Magaalada Jowhar, isagoo sidoo kalana meesha ka saaray in ay jiraan dad ku metelaaya shirkaasi – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: