War deg deg ah: MADAAFIIC GOOR DHAW KU DHACDAY NAWAAXIGA GAROONKA AADAN CADDE

WAAJIDPRESS – 8 SEPTEMBER 2016:

Wararka inaga soo gaaraya nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada ayaa sheegaya in goor dhaw Tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Madaafiicdaan oo la sheegay inay gaarayaan ilaa Labo Madfac ayaa waxaa la sheegayaa inay ku dhaceen dhismooyin u dhaw Dhabarka dambe ee Jaamacada Muqdisho qaybta ku taalo Agagaarka Garoonka, iyadoo dad shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay.

Wararka waxa ay tilmaamayaan in mid ka mid ah Madaafiicda uu ku dhacay Goob ay degan yihiin dad shacab ah, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dadkaasi shacabka ah.

Qof ku sugan Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa Dhacdo.com u sheegay in qal qal xoogan ay dareemeen madaafiicda markii ay ku dhaceen Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: