AL-BASHIIR OO GO’AAN LAMA FILAAN KA QAATAY SHIRKA IGAD EE MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 10 September 2016:

Warar ay baahiyeen Warbaahinta dalka Sudan qaarkood ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir uu joojiyay socdaalkii uu ku imaan lahaa magaalada Mudisho si uu uga qeyb galo Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacaya Muqdisho.

Sargaal katirsan Dowlada Sudan ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha uu joojiyay Safarkii Muqdisho, waxa uuna tilmaamay Sargaalkan in Madaxweynaha uu ka baqao in magaalaa Muqdisho lagu xiro loona gudbiyo Maxkamada ICC oo baadi goob ugu jirta.
Warbaahinta Sudan ayaa Warisay in Madaxweynaha wadatashiyo kadib in uu go’aansaday in uu ka baaqdo Shirka IGAD ee ka dhacaya Muqdisho, waxaana Madaxweynaha uu ka baqayaa in Muqdisho lagu xiro maadaama Dowlada Soomaaliya aysan awoodin in ay amaankiisa ilaaliso.
Madaxweynaha Sudan ayaa xaalad adag la kulmay xili uu shir Madaxdeed uga qeyb galay dalka Koonfur Afrika, waxaana Maxkmada kutaala dalkaasi amartay in lasoo xiro laguna wareejiyo Maxkamada Dambiyada caalamiga ee ICC.

Dowlada Soomaaliya oo taageero badan ka hesha Beesha Caalamka ayaan awoodin in ay difacado Madaxweynaha Sudan hadii xaalad adag uu la kulmo, waxaana dowlada Soomaaliya taageerada ugu badan ka heshaa Dowladaha Reer Galbeedka oo taageersan in lasoo xiro Madaxwene Al Bashiir.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: