Shirkii IGAD oo la soo gabagabeeyey iyo War Murtiyeed yar oo laga soo saarey

WAAJIDPRESS – 13 SEPT 2016:

image    igad-006

Shir madaxeedkii 28’aad dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa goor dhow lagu soo gebagebeeyey hotel Peace oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

 Waxaa shirkan ka qeyb galay illaa afar Hogaamiye oo ka tirsan madaxda todobada dal ee xubnaha ka ah ururkan, kuwaasoo kala ah Madaxweynaha Ugandha Musaveni, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Raisul wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desigln iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaa shirkan sababo kala duwan awgood uga baaqday hogaamiyeyaal oo la filayey iney ka soo qeyb galaan waxaana u metelayey danjirayaal iyo wufuud kale.

Gebagebada shirka ayaa waxaa laga soo saaray War murtiyeed ay isku raaceen madaxii ka qeyb gashay, kaasoo saxaafada loo qeybiyey goor dhow, waxaana madaxda ka qeyb gashay la filaya iney isla galabta dib ugu laabtaan dalalkoodii.

 War-Murtiyeedka oo ka koobnaa 22 qodob waxaa saxaafadda u akhrisay wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mida:

1- In la dhowro madax bannaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
2- In degdeg lagu so dhameystiro shirka maamul u sameynta Gobolla Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
3- In dhinacyada Soomaalida loogu baaqay ka qeyb qaadashada geedi socodka xasilooni loogu soo dabaalayo Soomaaliya.
4- In AMISOM ay sugto ammaanka Doorashooyinka Soomaaliya.
5- In la soo dhoweeyay horumarka ay gaareen Madaxda Soomaalida ee ku mideysan Madasha Qaran
6- In dib u celinta Qaxootiga Soomaaliya uu noqdo mid rabitaankooda ku dhaca.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta shirka waxayna la hadleen saxaafadda.

Shir gaara oo ay yeesheen madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa shir gaara oo ay yeesheen kadib shirka waxay uga hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha ganacsiga oo ay ugu horeyso xayiraadda lagu soo rogay Qaadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay ka hadleen arrimaha isu socodka xuduudaha, duulmiyaadyada dhibaatada ka jirta gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha Qaxootiga iyo arrimo kale.

Madaxda IGAD ayaa hadda ku laabtey dalalkoodii.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: