Madaxweynaha Somaliya oo si rasmi ah u furay Shirka IGAD ee Muqdisho

WAAJIDPRESS – 13 SEPTEMBER 2016:

image image

image

 

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhaw Hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho wuxuu si rasmi ah uga furay Shir Madaxeedka IGAD oo maanta lagu qabanaayo Magaalada Muqdisho.

Madasha Shirka uu ka furmay waxaa ku sugan Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Madaxweynaha Jabuuti, Wasiirka arimaha Dibada ee dalka Sudan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay shirka inuu si rasmi ah u furan yahay isaga oo Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxda Shirkaan ka qaybgalaysa.

Qodobada Diirada lagu saari doono inta Shirka uu socdo ayaa kala ah:

Arrimaha Somaliya:
Waxaa shirkan lagu falanqeyn doonaan arrimaha Soomaaliya sida doorashooyinka iyo amniga, waxaana sidoo kale lagu soo hadal qaadi doonaa horumada ay Soomaaliya sameysay.

South Sudan (Koonfurta Sudan):

Madaxda IGAD waxay falanqeyn ku sameyn doonaan sidoo kale xasaradaha ka jira dalka Koonfurta Sudan, waana arrin si gaar ah looga hadli doono, iyadoo aanay ka marneyn dadaallada nabadeed ee ururku ku leeyahay dalkaasi.

Ishaashiga iyo xiriirka dalalka ku bahoobay IGAD:

Qodobka Saddexaad ee madaxda IGAD ka hadli doonaan waxaa ka mid ah xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dalalka ku bahoobay ururkan, sidoo kalena la iska kaashado arrimaha dhaqaalaha, nabadda iyo kuwo kale oo badan.

Shirkan waxaa la filayaa iney kasoo qeybgalaan madaxda dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda, Sudan, Koonfurta Sudan iyo Soomaaliya oo shirka martigelinayso.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: