War deg deg ah: Iska horimaad kulul oo ka dhacay Degmada Boondheere , Wariye caan ah oo ku dhaawacmey iyo khasaaraha oo isa soo taraya

WAAJIDPRESS – 13 SEPT 2016:

Ciidan ka wada tirsan Dowladda Somaliya, ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dagaalamay xaafadda Busley ee Degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan, ayaa waxaa uu yimid markii Ciidamada Booliska oo wadada ay u xirneyd, ka biyo diideen in gaadiid ay la socdeen Ciidamada Militariga ka gudbaan halkaasi. Ciidamada Militariga waxaa ay iska diideen in ay dib u laabtaan, iyagoona ku cago jugleeyay inay dagaalamayaan.

Labada ciidan oo iska horimaadkoodu uu socdo, ayaa waxaa Ciidamada Booliska soo gaaray gurmadyo dhinacyo kala duwan isaga kala yimid, taasoo sii kululeysay iska horimaadka.

Salaaddii Maqribka ka dib, ayaa waxay Madaxtooyada Somaliya amar ku bixisay in halkaasi laga soo saaro Ciidamada Booliska, waxaana iminka ku sugan Ciidamadii MilitariGA oo ka yimid dhinaca Magaalada Jowhar.

Sidoo kale Madaxtooyada, ayaa waxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku wargelisay in la soo xir xiro Ciidamadii Militariga, ee dhaliyay iska horimaadkan.

Dhanka kale waxaa isa soo taraaya khasaaraha ka dhashay iska horimaadka. Waxaa hadda la’ogyahay dhimashada afar askari oo labada dhinac ah, halka dhaawacuna uu intaa ka badan.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad Suggida, ayaa Dhacdo.com u sheegay in dhimashada labada dhinac ay ka badan karto, inta hadda la’ogyahay, isla-markaana ay gaari karto sideed askari.

Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo ka tirsan Warbaahinta Dowladda, ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay iska horimaadka.

Wariyaha, ayaa xilligii uu iska horimaadku dhacaayay maraayay wadada, waxayna warar kale sheegayaan in halkaasi uu u tagey, sidii uu u soo warin lahaa warka ku saabsan iska horimaadka.

Waxaa hadda dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Digfeer, sida ay inoo xaqiijiyeen eheladiisa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: