War deg deg ah: Al Shabaab oo Hada Gudaha U Galay Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan..

WAAJIDPRESS – 15 SEPT 2016:

Wararka naga Soo gaaraya degmada moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa Sheegay in Al Shabaab ay goordhow la wareegtay gacan ku heynta degmada kadib Markii ciidamada dowlada ay ka baxeen Magaalada Moqokori.

Degmada Moqokori ayaa Subaxnimadii hore ee Maanta gabi ahaanba waxaa ka baxay ciidamada Itoobiya kuwaasoo u dhaqaaqay dhanka degamada Maxaas waxaan degmada Muddo kooban ku sugnaa Ciidamada dowlada inkastoo goordhow ay iskaga baxeen.

Dadka Ku Nool Magaalada Moqokori ka barakacaay iyagoo ka cabsi qaba in ay dhibaatooyin u geystaan Al Shabaab oo si weyn uga soo horjeeda dowlada federaalka uyo Ciidamada AMISOM.

Dhinaca kale war hadda soo dhacay, Waxaa Habeenimadii Xalay Weerar bambaano lagu qaaday Hoyga oo ka deganyahay Magaalada Baardheere gudoomiyaha Maxkamada.

Sheekh Cabdi oo ah Gudoomiyaha Maxkamada ayaa la Sheegay in Koox aan la garneyn gurigiisa Weerar ku qaadayn ayadoo ku tuuray Bambaano kadibna Rasaas oodaga oga qaday.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka xalay lagu qaaday Guriga uu Baardheere ka degan yahay Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Baardheere Sheekh Cabdi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: