WARARKII UGU DAMBEEYEY MALEEYSHIYAADA AL-SHABAAB OO LA WAREEGAY GACAN KU HEYNTA DEGMADA CEELWAAQ EE GOBOLKA GEDO

WAAJIDPRESS – 16 SEPTEMBER 2016:

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta gelinkii danbe weerar qorsheeysan ku qaadaay ciidamo ka tirsan Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Ceelwaaq, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal xooggan.

Xoogagga Al-shabaab oo la sheegay in ay aad u hubeeysnaayeen islamarkaana ay wateen gaadid dagaal oo tiro badan ayaa la sheegay in ay magaalada kasoo weerareen dhowr jiho, ayadoo ugu danbeyntiina ay u suurogashay in ay la wareegaan gacan ku heynta degmadaasi.

ku,dhawaad toban askari,oo dowladda ah,iyo,qaar.kamid.ah AMISOMta.Kenya.ayaa laxaqiijiyay,in dagaalkani,lagu,dilay.

Dadka la xaqiijiyay Geeridooda waxaa.kamid.ah Korneyl aadan koronto oo ah masuul siweyn looga yaqaano deegaanada jubooyinka.

Tiro,gaadiid ah,oo u.dhaxeeya.sadex.ilaa afar tigniko ah,ayaa sidoo kale kamid.ah.gaadiidka shabaabku,ku.qabsadeen dagaalka.Ceelwaaq.

Goobjooge ku sugan degmada Ceelwaaq oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay ayaa isagoo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo dhana amniga ah inoo sheegay in magaalada ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Al-shabaab, islamarkaana ciidamadii ku sugnaa ay isaga baxeen.

“Magaalada Al-shabaab ayaa gacanta ku haya, Galabta abaare 5:00 galabnimo ayay la wareegeen,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Degmada Ceelwaaq ayaa waxaa hore ugu sugnaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, mana jiraan ciidamo ka tirsan AMISOM oo halkaasi jooga. Al-shabaab ayaa marar badan weerar ku qaaday, balse uma suurogalin in ay la wareegaan, haseyeeshee maanta gelinkii danbe ayay ku guuleysteen in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: