Rag ka tirsan Daacish oo lagu xukumay Magaalada Baydhabo

WAAJIDPRESS- 17 September 2016:

Maxkamada ciidamada Qalabka sida Qaybta 60-aad ee Gobolka Baay, ayaa saaka oo sabti ah waxa ay xukun ku riday Afar ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ee Xoogooda ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq.

Afartaan ruux oo ka soo hormuuqday maxkamada ayaa waxaa lagu xukumay min 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Baay Aadan Abuukar Maxamed.

Ragga la xukumay ayaa kala ah:

1-C/Casiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyay in kooxda Daacish ay u soo wakiilatay magaalada Baydhabo, si uu uga fuliyo falalka guracan ee kooxdaasi.

2-Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka Kooxda Daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo Qaraxyada, isagoo la tilmaamay in uu awood u leeyahay in gacantiisa uu ku sameeyo waxyaabaha qarxa.

Labada kale ee maxkamada ciidamada Qalabka sida qaybta 60-aad ay xukunka ku riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Sheekh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyay in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee kooxda Daacish ay ku talo gashay iney ka sameyso magaalada Baydhabo.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Baay, ayaa sidoo kale sii deysay saddex ruux oo eedeedooda ay aheyd inay xiriir dhaw la leeyihiin ragga Daacishta ah, balse baaritaan kadib la ogaaday inaysan wax xiriir ah la laheyn raggaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: