War deg deg ah: General Goobaale oo lagu dilay ismiidaamin ka dhacday Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 18 September 2016:

image image

image image image

Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo ka SOO jeedey Beesha Habargidir, ayaa waxaa maanta lagu dilay weerar ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Weerarkan, ayaa gaar ahaan ka dhacay nawaaxiga Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ku taala Degmada Hodan, markii gaari uu watay lagu dhuftay gaari kale oo uu la socday nin ka tirsan Al Shabaab.

Qaraxan oo ahaa mid si wayn looga maqlay Magaalada Muqdisho, ayaa burbur soo gaarsiiyay gaari nooca dagaalka oo uu la socday Sarkaalka la dilay, iyadoo lala dilay lix ka mid ah ilaaladiisa.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo Saxaafadda kula hadlay goobtii uu qaraxu ka dhacay, ayaa xaqiijiyay geerida naxdinta leh ee ku timid General Goobaale.

Afhayeenka, ayaa sheegay in naftii halliga ka tirsanaa waxa uu ugu yeeray cadowga uu beegsaday gaarigii uu saarnaa General Goobaale, isla-markaana ay halkaasi ku dhinteen isaga iyo lix kale oo ilaaladiisa ah.

Dhanka kale Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu sheegtay masuuliyadda dilka General Maxamed Rooble Jimcaale, iyagoo ku faanay in naftii halliga ka tirsanaa uu ku dilay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Al Shabaab, ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay u dishay Sarkaalkaasi, gacantii kululeyd ee uu ku wajahaayay. Sarkaalkan ayaa marar badan hogaamiyay weeraro lagu qaaday dhul ballaaran oo ay horey uga arrimin jirtay Al Shabaab.

Al Qaacidada Somaliya, ayaa geed gaaban iyo dheerba u fuushay, sidii ay u dili laheyd Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, waxaa uu horey uga badbaaday qaraxyo iyo weeraro kaloo ay soo qorsheeyen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: