War deg deg ah: Rag hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay nin Nabadoon ahaa

WAAJIDPRESS – 17 SEPTEMBER 2016:

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in habeenkii Sabtida Magaaladaasi lagu dilay nin Nabadoon ahaa, markii ay weerareen laba nin oo sida la sheegay bistoolado ku hubeysnaa.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Afweyne Tiiteeye, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo dilka ka dibna ay goobtaasi ka baxsadeen dembiilayaasha.

Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Saldhiga Booliska Degmada Yaaqshiid, ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobtii lagu qaarajiyay marxuumka, walow aanay jirin cid la sheegay inay dilkiisa u soo qabteen.

Nabadoonka oo laga garanaayay Degmada Yaaqshiid, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in loo dilay, isagoo ka qaybgalay shirar uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maamulka Degmada Yaaqshiid.

Maxamed Yuusuf Nuur, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, ayaa qoyska iyo ehelada Nabadoon Tiiteeye ugu laab qaboojiyay in lagu dabo jooggo dembiilayaasha.

Ragga dilka gaystay, ayaa waxaa si dhow loola xiriirinayaa mintidiinta Ururka Al Shabaab, kuwaa oo beegsada Odayaasha Dhaqanka ee u xagliya dhinaca Dowladda Dhexe Somaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: