DEG DEG:-Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho+Faah faahin

WAAJIDPRESS – 19 SEPT 2016:

Warar goor dhaw kusoo dhacay Shabakada WAAJIDPRESS ayaa waxay sheegayaan in Caawa Maqribkii kadib uuu qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa nuuciisu ahaa Bambaanada gacanta laga tuuro waxaana lagu weeraray guriga uu deggan yahay Gudoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad oo isla Degmadaasi ku yaalla.

Axmed Salaad Ibraahim ayaa sheegay in Labo ka mid ah Ilaaladiisa ay dhaawacyo kasoo gaareen qaraxaasi waxaana uu sheegay in dhaawacooda la daweenayo.

Xilliga La weerarayey ayuu Idaacadaha usheegay Gudoomiye Salaad in guriga uu ka maqnaa waxaana jirtay rasaas xoogan oo ciidanka guriga ilaalada ka hayey rideen.

Maamulka degmada Hodan ayaa waxay sheegeen inay baaritaan ugaleen raadinta kooxdii caawa qaraxa ku tuurtay hoyga Gudoomiyaha Degmadaasi Axmed Salaad Ibraahim.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: