Xildhibaanada Baarlamaanka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe oo lagu dhawaaqay

WAAJIDPRESS – 19 SEPT 2016:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, ayaa waxay goor dhow Magaalada Jowhar kaga dhawaaqday Xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Yaxye Cali Ibraahim, ayaa galabta ku dhawaaqay in 91 xubnood uu ka koobnaan doono Baarlamaanka.

Iyadoo toddobaadkii hore ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha sheegtay in 71 ay noqonayaan Xildhibaanada, ayaa waxaa muuqata in 20 xubnood oo lagu kordhiyay tirada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa sababta loo kordhiyay Xildhibaanada ku sheegay, si loo qanciyo beelaha degga labada gobol, oo qaarkood cabasho ka keenay tiradaasi.

Yaxye Cali Ibraahim, ayaa tilmaamay inay hadda bilaabanayso shaqada Xildhibaanada, kuwaa oo marka ugu horeyso looga fadhiyo inay soo doortaan Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo marka xigtana ay soo dooranayaan Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa.

Yaxye Cali, ayaa wuxuu Xildhibaanada kula dardaarmay inay dardar-geliyaan waajibaadka shaqo ee loo wakiishay, maadaama uu waqtigu ciriiri yahay.

Iyadoo bulshada deegaanka ay ku kala qaybsan tahay Dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa Dowladda Somaliya lagu eedeeyay inay yegleeleyso maamul aanay dadku u dhamayn.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: