Dowladda Britain oo sheegtay inay kordhinayso ciidamada Somaliya ka jooga

WAAJIDPRESS – 21 September 2016:

Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku kordhin doonaan ciidankeeda ka jooga Somaliya si loo xoojiyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Theresa May ayaa hadal dhinacyo badan taabanaya waxay ka jeedisay shirkii 71-aad ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaana ay ka hadashay arrimo badan oo Somaliya ah.

Theresa ayaa sheegtay in dowladeeda taageero xooggan u fidin doonto Somaliya, islamarkaana ay hadda diyaar u yihiin in ay Labo laabaan taageerada ay siiyaan dowladda Somaliya.

Beesha caalamka ayeey sheegtay in sidoo kale iyaguna looga baahan yahay iney xoojiyeen taageerada ay siiyaan Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay iney ka xoojiyaan sida ay hadda tahay.

Mar ay ka hadashay Theresa arrinta ku aadan weerarada lagu qaado saldhigyada Al-shabaab ee gudaha dalka ayeey tilmaantay iney aad u jeclaan lahaayeen iney noqdaan hormuudka ku fulinta weeraradaasi.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa hoosta ka xariiqday in muhiim ay tahay in la qabto shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, islamarkaana dhaqaale loogu uruurinayo dadka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: