War deg deg ah: Akhriso then Daawo: Madaxweyne Xasan si adag uga hadlay isla markaana ku tilmaamey Sharci Daro Heshiiskii Somaliland iyo DPWorld ay kala sixiixdeen

WAAJIDPRESS – 21 SEPT 2016:

Musharaxa Madaxweyne ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen maamulka Somaliland iyo Sharikadda Dekadaha ee Imaaraat-ka uu yahay mid sharci darro ah.

Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in heshiiskaas uusan ahayn mid sharciyad heysta maaddaama aan Dowladda Soomaaliya lagala hadlin,islamarkaana Imaaraat-ka ay heshiis la gashay maamul ka tirsan Soomaaliya oo aysan ogeyn Federaalka Soomaaliya.

Dekadda Magaalada Berbera ayuu sheegay in ay ka mid tahay dhulka Soomaaliyeed Imaaraat-ka iyo maamulka Somaliland heshiiska dhexmarayna uusan ahayn mid heysta sharciga dekadaha ee caalamiga ah ama midka ay ku heshiiyaan laba dowladood.

Maamulka Somaliland iyo Imaaraat-ka Carabta ayaa ku heshiiyay in Dekadda Berbera dib u dhis ay ku sameyso hay’adda DPWorld ee Imaaraat-ka islamarkaana geliso lacag ka badan $400Milyan oo doollarka Mareykanka ah – DAAWO:

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: