War deg deg ah: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 21 September 2016:

Qarax ayaa ka dhashay gaari raaxada oo ay la socdeen askar ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Gaarigan oo ay la socdeen saddex askari, ayaa waxaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah uu ku dhintay qaraxaasi, iyadoo askari kale uu ku dhaawacmay, halka midka saddexaadna uu ka badbaaday.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa waxaa uu xaqiijiyay dhimashada askarigaasi iyo dhaawaca midka kale.

Afhayeenka, ayaa Saxaafadda kula hadlay goobta uu qaraxan ka dhacay, oo ku taala inta u dhaxeyso Isgoyska Juba iyo Safaaraddii hore Talyaaniga ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaraxu uu ahaa mid horey loogu sii xiray gaarigii ay wateen Ciidamada Nabad Suggida.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: