DAAWO LABO VIDEO: BAYDHABA OO SI WEYN LOOGA XUSEY MAALINTA NABADA CAALAMKA ADUUNKA

WAAJIDPRESS – 22 SEPT 2016:

Magaalada Baydhaba ee xarunta KMG maamulka Koonfur galbeed ayaa waxaa maanta si weyn looga xusay maalinta nabada aduunka ayada oo ay kumanaan arday iyo shacab haween u badan socod kusoo mareen wadooyinka magaalada.

Munaasabadan lagu xusayay maalinta nabada aduunka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Koonfur galbeed ayada oo ugu dambeyntii ay dadka la hadleen wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Koonfur galbeed Xasan Maxamed Cabdi, kusimaha madaxweynaha Koonfur galbeed ahna wasiirka beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi iyo masuuliyiin kale oo wasiiro iyo saraakiil ciidan ay ka mid yihiin.

Dhamaan masuuliyiintii ka hadashay halkaas ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay muhiimada ay Aadanaha u leedahay nabada ayada oo ay nabad la’aani nolol iyo horumar jiri karin islamarkaasna waxa ay ay ku dhiirigeliyeen dadkii kasoo qaybgalay munaasabada lagu weynaynayay maalinta nabada aduunka inay ilaashadaan nabada ay hada ku naaloonayaan lana shaqeeyaan hay’adaha amaanka dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur galbeed DAAWO:

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: