Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi aad u balaaran oo gaaray Magaalada Baydhabo

WAAJIDPRESS – 22 September 2016:

Wafdi aad u balaaran oo ay xitaa ku jiraan Ajaanib ka SOCOTA UN, EU iyo kuwa kale uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray saaka  Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Wafdiga ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga Dr. SHAATIGADUUD ee MAGAALADA BAYDHABA oo hadda si weyn loo dhisey loona qalabeeyey, waxaana sidoo kale si weyn loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Baydhabo – filo video.

Dhinaca kale, Kulan looga arrinsanaayey sida ugu habboon ee Bulshadu uga qeyb qaadankaraan dib u dhiska Magaalada Baydhabo islamarkaasina uu soo qabanqaabiyey gudoomiyaha G/Baay ayaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo.

Xafladan oo Looga arinsanayey horumarinta magaalada Baydhabo, waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyey maamulka Gobolka Bay iyo gudiga horumarinta Degmada Baydhabo ee Danwadaag, waxaana Ka qeybgaley qaar ka mid ah Ganacasatada  ugu caansan  Magaalada Baydhabo.

Kulankani ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii waddooyin casri ah loogu dhisi lahaa magaalada Baydhabo islamarkaana dib u dayactir loogu sameeyn lahaa wadooyinka burbursan iyadoo bulshada lagu boorinayo iney ka qeybqaataan horumarinta magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha gobolka Baay mudane C/rashiid C/laahi Maxamed .iyo Maxamed Shariif “Kuwaarti” oo isaguna ka socoday gudiga hormarinta Degmada Baydhabo ee Danwadaag oo iyagu ka hadlay munaasabadaasi ayaa bulshada reer Baydhabo ku boorriyay iney hormuud ka noqdaan horumarinta magaaladaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: