War hadda SOO dhacay: Iska horimaad xoogan oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 25 September 2016:

Iska horimaadkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa waxuu ka dhacay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Warshadii hore ee Barfuunka oo ku taalla nawaaxiga Isgooyska SOS ee Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in iska hormaadka uu ahaa mid muddo socday waxuuna intaasi ku daray in uu jiro khasaaro labada dhinac ah, inkastoo aan la ogeyn.

Maamulka Degmada Hiliwaa oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab oo ku diriray Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: