War deg deg ah: GUDDIGA HIRGELINTA DOORASHOOYINKA DADBAN OO MAR KALE DIB U DHIGAY XILLIGA DOORASHOOYINKA 2016

WAAJIDPRESS – 26 September 2016:

 

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho ku shaaciyay in Doorshada ay dib u dhacday muddo bil ah, iyadoo la dooran doono madaxweynaha cusub 30-ka bisha November ee 2016-ka, halkii ay markii hore ka ahayd 30-ka Oktoobar.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee sanadkan 2016, Cumar C/lle Dhageey ayaa Shirka jaraa’id ka sheegay in ay soo saareen Jadwal cusub oo doorshooyinka ah, maadaama midkii hore uu dib u dhac ku yimid.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa waxay faah faahin ka bixiyen waxyaabaha keenay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka guud dalka.

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray War Saxaafadeed, ayaa sharaxaad kaga bixiyay amuurtaasi. War Saxaafadeedkoodan ayaa u qornaa sidatan:-

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka Sebtember 2016, waxaa la soo gabagabeeyey shir saddex (3) maalmood u socday Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashayooyinka Dadban (GFHDD) iyo Guddoomiyayaasha Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD), shirkaas oo looga wada tashanayey arrimaha doorashooyinka isla mar ahaantaasna lagu sameynayey qiimeyn ku saleysan xaqiiqda ka jirta deegaan doorashooyinka sida, horumarka la sameeyey, caqabadaha soo baxay intii hawsha lagu guda jiray iyo waqtiga loo baahan yahay in lagu dhammaystiro hawlaha dhimman.

Horumarka la gaaray

Hirgelinta qorshaha geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka wuxuu sameeyeey horumar la taaban karo. Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) waxay hadda ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergooyinka doorashada ee xarumaha dawlad goboleedyada jira iyo kuwa dhismi doona. Waxaa socda soo dhammeystirka liisaska ergada, sidoo kale waxaa la diyaariyey goobihii cod bixinta.

Caqabadaha soo baxay intii shaqadu socotay

In kastoo horumar baaxad leh laga gaaray arrimaha doorashooyinka waxaa muuqata in shaqooyinka qaarkood aysan ku qabsoomi karin jadwalkii shaqo ee loo qorsheeyey sabababo ay ka mid yihiin caqabado isugu jira arrimo siyaasadeed, amni, maamulidda miisaaniyadda doorashooyinka, guddiga xallinta khilaafaadka oo aan weli shaqo galin iyo madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhammeystirin liisaska ergooyinka. Sidoo kale, dib u dhac ayaa ku yimid dhismaha xubnaha Aqalka Sare kaas oo caqabad ku noqday soo gudbinta liisaska ergooyinka Golaha Shacabka maadaama uu saamaynayo qaybsiga kuraasta ee beelaha.

Arrimaha Hiiraan & Shabellaha Dhexe

GFHDD iyo GDGHDD ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay isugu yeereen madax dhaqameedyada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu jira 135 ta madax dhaqameed si ay ugala tashadaan goobta doorasha ee labada gobol. Wada hadal dheer kadib, 16 ka mid ah 18ka madax dhaqameed ee labada gobol waxay isku raaceen in doorashada labadaas gobol ay ka dhacdo caasimadda Muqdisho. GFHDD isagoo tixgelinaya go’aanka odayaasha waxay soo dhaweeyeen is afgaradka odayaasha labada gobol ee ku taariikheysan 25/09/16.

Arrimaha Somaliland

GFHDD markii ay la tashadeen GDGHDD ee Soomaliland ayna dhageysteen caqabadaha jira ee ka hortaagan qabsoomidda dooroshooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxey codsanayaan in si deg deg ah xal looga gaaro caqabadaha siyaasadeed ee horyaala Soomaaliland si ay uga qeyb qaadato geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka loona ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

Go’aammada laga gaaray Jadwalka Doorashooyinka 2016:

In si dhaqso ah loo geeyo ciidamo AMISOM ah xarunta doorashada Dowlad- Goboleedka Galmudug ee Cadaado si loo sugo amniga doorashada ee 2016 ka;

In Madaxda Dowlad Goboleedyada soo gudbiyaan xubnaha musharraxiinta Aqalka Sare ugu danbeyn 5 ta bisha Oktoobar 2016;
In Guddiga Xallinta Khilaafaadka hawlgalo 8 da Oktoobar;

In liiska magacyada ergada doorashooyinka ee Golaha Shacabka la soo dhammeystiro ugu dambeyn 10 ka bisha Oktoobar;

In doorashada Golaha Shacabka la qabto inta u dhaxeyso Oktoobar 23-10 ka Nofeembar ee sannadka 2016ka. Kursi kasta oo ergadiisa diyaar noqota doorashadiisa way dhacaysaa markii la gaaro wakhtiga loo asteeyey doorashada Golaha Shacabka ee Barlaamaanka;

In doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka cusub la qabto 23 ka bisha Nofeembar;
In doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 30 ka bisha Nofeember ee 2016.
Ugu dambayn:

GFHDD waxuu u mahad celinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka iyo taageerada joogtada ah ay la garab taagan yihiin guddiyada ku hawlan geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dadban ee 2016 ka.

Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa saaxiibada beesha caalamka oo taageero maaliyadeed iyo mid farsamaba ka gaystay hirgelinta doorashooyinka dadban ee 2016 ka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: