War deg deg ah: Xeer Ilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada oo Muqdisho lagu dhaawacay iyo askari la socday oo la dilay

WAAJIDPRESS – 26 September 2016:

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wardhiigley, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi lagu weeraray gaari uu watay Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

Xarakada Al-shabaab ayaa goor dhow waxay weerar xooggan ku qaadeen gaari uu la socday xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada Qalabka sida, C/laahi Xuseen Cabdi Mayoonge.

Wararka qaar ayaa sheegaya ciidamada Alshabaab  oo watay gaari yar ayay ku horjareen gaarigii uu watay Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida C/laahi Xuseen oo ku magac dheer Mayoonge, kadibna ay rasaas huwiyeen, taasi oo keentay inuu dhaawacmo Xeer Ilaaliye ku xigeenka, halka uu dhintay Askari Ilaalo u ahaa.

Mayoonge ayaa aad loogu bartay markii maxkamadda la saarayey Xasan Xanafi oo ka tirsanaa Al-shabaab, qaabilsanaa dhanka dhagareynta Wariyeyaasha.

Masuuliyiinta dhanka ammaanka Maamulka Degmada Wardhiigley, ayaa Dhacdo.com u sheegay Xeer Ilaaliye ku xigeenka isaga oo dhaawac ah in goobtaasi laga qaaday.

C/rashiid Ismaaciil Maxamed, oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada iyo Ammaanka Degmada Wardhiigley ayaa Sidoo kale WAAJIDPRESS  u sheegay ciidamada ammaanka inay ku raadjoogaan dadkii falkaasi geystay.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ayaa gaaray goobta weerarka uu ka dhacay, waxaana socda baaritaano ciidamada ay wadaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: