DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda duleedka Gaalkacyo

WAAJIDPRESS – 27 September 2016:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka dhanka Bari ee Magaalada Gaalkacyo dagaal u dhaxeeya labo Maleeshiyo beeleed, ayaa saaka aroortii ka qarxay duleedka Gaalkacyo, iyadoo ilaa hada dagaalkaasi uu dhacaayo.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa in hub kala duwan labada dhinac ay isku adeegsanayaan oo dadka Magaalada Gaalkacyo ku nool ay maqlayaan jugta qoryaha la isweydaarsanaayo.

Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa Deegaan ku toosan Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu magacaabaa deegaankaasi Jeexdin, sida ay xaqiijiyeen dadka Gaalkacyo ku sugan.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaan oo soo kala gaaray dhinacyada halkaasi dirirta ay ku dhexmarayso, waxaana la soo warinayaa inay ku dhinteen dagaalka dad gaaraya 10 ruux sida ay xaqiijiyeen Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Ilaa hada ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalkaan saaka aroortii ka qarxay Deegaanka Jeexdin ee duleedka dhanka Bari ee Magaalada Gaalkacyo.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa si aad ah looga cabsi qaba in Magaalada Gaalkacyo uu ka qarxo dagaal, kadib markii Puntland ay xanibeen gaadiidkii ka imaan jiray Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiinta Maamulada Puntland iyo Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo weli kama aysan hadlin dagaalkaan, sidoo kalena ma jirto cid ku baxday dagaalka qaboojintiisa, marka laga reebo gurmad kala duwan oo dhinacyada gaaraya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: