War deg deg ah: Guddoomiyaha Wardhiigley “Wasiirada iyo Xildhibaanada Shabaabkii aan soo qabano ayay sii deynayaan”

WAAJIDPRESS – 27 September 2016:

Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Yaasiin Nuur Ciise, ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin Wasiirada Xukuumadda iyo Xildhibaanada oo sii deynaya Xubnaha Shabaabka ka tirsan ee Maamulka uu gacanta ku soo dhigo.

Yaasiin Ciise Nuur ayaa sheegay ragga Shabaabka ay soo qabteen ciidamada ammaanka Degmada inay ka daba yimaadaan, Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal Dhaqan, Ugaasyo iyo xubno kale oo Dowladda ku jira si ay u sii daayaan.

Guddoomiyaha Wardhiigley ayaa sheegay in taasi ay keenayso niyad jab dhanka shaqada ammaanka ah, maadaama qof Shabaab ah oo cadeyn loo haayo la sii deynaayo, kadibna lagu arkaayo isaga oo Magaalada dhexmaraayo.

“Xogta aduunka waa la is dhaafsadaa lacag waaye, qofka xog kuu keena waa inaad lacag siisaa si beri qof kale ugu dhiiradaa inuu xog kale uu kuu keeno maanta af qaleel ah markaad ku soo qabtid, hadana ninkii aad xirtay la sii daayo shaqadaas waa waxba kama jiraan, qofkii xogta kuu keenay halis buu galayaa markii arko ninkii Shabaabka ahaa oo Magaalada dhexmaraayo, waxaa ka shaqeeya arimahaasi sii deynta Shabaab, Wasiir, Xildhibaan, Agaasime Wasaaradeed, Ugaasyo iyo Odayaal.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Wardhiigley.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay u sheegay Xubnaha Dowladda ka tirsan inay ka waantoobaan daba orodka ragga Shabaabka ka tirsan ee laamaha ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan.

Inta badan Ragga Shabaabka ah ee la soo qabto ayaa qaab damaanad ah looga sii daayaa xarumaha ciidamada ee Muqdisho, waxaana damiinta dad kale oo Dowladda ka tirsan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: