Qaramada Midoobay oo ka walaacsan dib u dhaca Doorashada Somaliya

WAAJIDPRESS – 27 September 2016:

Ka dib markii Guddiga Doorashada dadban ee dalka Isniintii ay shaaciyeen in muddo bil ah dib loo dhigay Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo, ayaa waxaa soo baxaya walaac ay muujinayaan Xubnaha Qaramada Midoobay.

Michael Keating Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka Somaliya.

Keating, ayaa sheegay dib u dhaca Doorashada ku timid inay sabab u tahay labo arimood kuwaasi oo uu ku kala sheegay, in geeddi socodkan uu yahay mid qaabsiyaasadeysan loo maamulay iyo in dib u dhacan uu yahay mid ka mid ah dib u dhacyo is xigxigay oo horay u dhacay.

“Dib u dhaca hadda yimid wuxuu keenayaa cabsi badan, aan labo ka magacaabo, in geeddi socodkan uu yahay mid qaabsiyaasadeysan loo maamulay iyo in dib u dhacan uu yahay mid ka mid ah dib u dhacyo is xig-xigay oo horay u dhacay, in la sii wado qaabkii ay u dhici lahayd doorasho si cad oo la wada arki karo u dhacda lagana faa’iideysto waqtiga dheeriga ah ee la haysto.” Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya.

Walaaca ay muujisay Qaramada Midoobay mid la mid ah waxaa qaba Siyaasiyiinta Xil doonka ah ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo sheegaya inay la yaaban yihiin dib u dhacyada ku yimid Doorashooyinka Somaliya.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee dalka ayaa Jadwalka cusub ee ay soo saareen ku sheegay inuu yahay sidan.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: