War deg deg ah: Madaxweynaha GALMUDUG oo sheegey in Maamulka Puntland ay Dadka reer Galmudug u sheegaan in yihiin AL-SHABAAB, kana Hadley Duqeyntii maanta…..

WAAJIDPRESS – 28 SEPT 2016:

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo galabta si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Cadaado, ayaa waxaa uu dhaliilay Maamulka Puntland, oo uu ku eedeeyay in markasta uu dadka reer Galmudug ku eedeeyo Shabaabnimo.

Madaxweynaha, ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in nabad ku wada noollaashaha labada maamul, ay ka jirto oo keliya dhinaca Galmudug, isagoo Puntland ku eedeeyay inay taasi ka gaabinayso.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu dhibaato aad iyo aad u foolxun uu ku tilmaamay weerarkii dhinaca cirka ee saakay duleedka Magaalada Gaalkacyo lagula eegtay Ciidamada Galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Galmudug, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in maalin kasta ay Madaxda Puntland dadka reer Galmudug ku sifeeyan kuwo tirsan Al Shabaab, xilli Galmudug ay dagaal adag kula jirto Shabaab, sida uu yiri.

Duqeyn loo geystey saldhig ay lahaayeen Maamulka GALMUDUG ayaa waxaa qasaare ka soo gaartay gaadiid dagaal iyo ciidamo saldhigaas ku sugnaa sida ay xaqiijiyeen maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in weerarkan ay ku dhinteen 13 askari oo ka tirsan ciidamada Galmudug waxaana meydadka ciidamadan lagu aasay maanta magaalada Gaalkacyo ee gobolka MUDUG.

Qabiilada 13 askari ee Maamulka GALMUDUG ee la laayey Waxay kale yihiin:

9 Askari waxay u dhasheen beesha Sacad kasii ah indhayar

2 askari oo beesha sacad kasii ah ayanle

1 askari oo beesha sacad kasii ah nimcaale

1 Askari oo beesha sacad kasii ah faralle.

Waxaa uu soo hadalqaaday in ay la xiriireen dhammaan intii ku lugta laheyd duqayntaasi, isla-markaana uu u socdo wada hadal, iyadoo uu rajo ka muujiyay in natiijo wanaagsani ka soo bixi doonto.

Dowladda Dhexe Somaliya iyo Maamul Goboleedyadii ka qayb qaatay heshiiskii Galmudug iyo Puntland bishii November ku wada gaareen Magaalada Gaalkacyo, ayuu ugu baaqay in laga fiirsado dhibaato uu muujiyay in dhanka Puntland kaga imaanayso, isla-markaana aanay arrintu sidaan ku sii socon karin.

Guuleed, ayaa dadka reer Galnmudug ugu baaqay inay is dejiyan, isla-markaana aanu ka tan-badin ciilka iyo carrada ay qaadeen duqayntaasi, isagoo yiri wax kastoo dhaca xal baa laga gaaraa.

Iyadoo uu Saxaafadda kula hadlaayay Garoonka Magaalada Cadaado, ayuu xusay inay Puntland u arkaan maamul la deris ah Galmudug, iyana ay uga fadhiyan sidaasi si la mid ah.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: